Monday, 26 August 2013

solar energy sytemka iyo muhiimada u leeyahay bulshada reer somaliland




solar energy sytemka iyo muhiimada u leeyahay bulshada reer somaliland 
   
Hadaan ku bilaabno qormadeenan muxuu caalamku u yaqaanaa (sola power  energy) iyo waxa laga dhaliyo ? tamarta cadceeda laga dhaliyo ayaa loo yaqaanaa solar energy ,tamarta cadceedu waxay ka koobantahay (approximately 1300 watts/square. ) lagana dhaliyo dab lagu istcimaalo dhulkan aynu ku noolnahay
 iyada oo lagu kaydinayo panalo waawayn kadibna loo qaybinayo goobihii baahida wayn u qabay in lagu istcimaalo ,tani muhiimad gaar ah ayay u yeelatay wadamadii waaga isticmaali jiray waxaanay ku fiday wadama badan oo aduunayda daafaheeda ka tirsan ,isagoo faaidooyin farabadan u yeeshay wadamadii samaystay ,kana hir galiyey goobaha ugu muhiimsan wadankooda waxa wadamadaa ka mida hadaynu soo qaadano tobaka wadan ee aduunyada ugu horeeya siticmaalka
Producers and users of solar power energy are ranked below:
1. Germany
2. Spain
3. Japan
4. United States
5. Italy
6. Czech Republic
7. Belgium
8. China
9.France
10. India
dhanka africa waxa aad u isticmaala south africa ,Algeria ,Ugenda
hadaba hadaan usoo daadago dulucda qormadeenan aynu ku eegaynay muhiimada ay u leedahay somaliland waxaan odhan karaa waa laba ,waa ta koowaade waxaynu helnaa  cadceed maalintii oo dhan laba waa cadceed kulul oo kaydinkarta intaynu uga baahanahay isticmaalkeeda
Tan iyo lasoo noqashadii jamhuuriyada somaliland 1991 waxa kobcayay ganacsiga xorta ah ee gaarka loo leeyahay hadaba waxaynu qormadeenan ku eegi doonaa habka aynu uga faaidaysan karno tamarta laga dhaliyo qoraxda ee loo yaqaan (solar power energy  )
Hadaba waxa waayadan danbe soo badanaya isticmaalka sollar power energy  oo aad ku arkayso goobaha lagu soo bandhigo carwooyinka wadaniga ah ee lagu soo bandhigo wax soo saarka dalka isla markaana wax tar u leh dalkeenan yar ee curdinka ka xag dhaqaaale iyo xag wax soo saarba ayaa hadana waxa indhahayga soo jiitay soo bandhigidaa ay shirkadaha muwaadiniinta ah kusoo bandhigeen New product loo baahanyahay ,shirkadahan oo bilawgii 2004 bilaabay sidii ay uga ganacsan lahaayeen dalka hase ahaatee fahan la aan awgeed ula jaan qaadi kari waayay suuqa ayaa waxay si caadiya suuqa usoo galeen sanadii 2007 iyagoo  ku bilaabay noocyada ugu yar yar ee loo isticmaali kari laanbadaha . shirkadahaas oo kala golis,kaafi  iyo qaar kaloo badan ,ugu danbayntii waxa noo suurta gashay inaanu lakulano hawlwadeenada golis solar energy faahfaahina ka bixiyey siday ku aasaaseen iyo halkay hada marinayaan oo ay noo sheegeen inay wadaan labada Airport kala ah berbera Airport iyo Egal international Airport ay dab galin ku samaynayaan Qiyaas dhan 220 KW
Golis solar waa shirkad aan dowli ahayn oo shuraako ah oo ay ku bahoobeen dad xirfad u
leh Tamarta soo noqnoqota ee korontada laga dhaliyo, waxaanay leeyihiin khibrad
dheeraada sidii cadceeda koronto looga dhalinlahaa ilaa sideedii sanno ee ugu dambaysa
wadanka Somaliland iyo wadamada jaarka sida Djabouti iyo Ethiopia, waliilo ayey ku
leedahay goboladda iyo wadamada jaarkaba.

Waxaanu shaqada soo bilawnay sanadkii 2003. Shirkada waxa si rasmi ah loo aas aasay
2007 dii, waxaana si sharci ah loo diwaangaliyey 2011 si ay u hirgaliyaan qalabkeedana u
farsameeyaan tamarta dabiiciga ah ee soo noqnoqota, waxaanu rakibnay in ka badan 350
goobood oo iskugu jira tamarta Cadceeda iyo tan Dabaysha gobolada Somaliland oo dhan,
waxaa aanu dhiiri galinaa in si habsami ah looga faaiidaysiga tamarta dabiiciga ah.

Head office-ka shirkadu waa Hargeisa waxaanay laamo ka furtay Berbera gobolada kalena
waanu ka furaynaa sida ugu dhaqsaha badan insha Allah.

Shirkadu waxay cabirtaa kharashka laydh isticmaalida guriga, ka dibna qalab ku haboon
ayey u qoondaysaa una rakibnaa waxaynay la soo shayqaysay hayado badan oo Dowliya,
UN ka, Organization nada caalamiga, kuwa maxaliga ah iyo dadka ganacsatada ahba.

Golis solar waxay tabobartay 20 farsamayaqaan oo rakiba qalabka solarta iyo laydhka
2007 oo ay shahaado siisay wasarada waxbarashadu, waxaa kale oo ay tababar joogta ah
siisaa dadka iyo hayadaha loo rakibo qalabta tamarta soo noqnoqota si ay aqoon ugu
helaan sida loo isticmaalo, loo dhaqaaleeyo loona dayactiro systemyadooda.

Waxa qorshaha noogu jira in aanu dad cusub tababarno bilawgasi loo gaadho hadafka
shirkada ah isticmaalka tamarta dabiiciga ah si loo badbaadiyo deegaanka iyo
caalamkaba.
Waana ta qudha ee aynu ku gaadhi karno suasha mawduuca aad i waydiisay .


Sa'ed Mohamed Ismail (Dr-Amiir)




































Gollis sollar enrgy waa shirkada ugu wayn hada ee ka ganacsata sollar sytem power waxay nooga warameen siday ku bilaabeen iyo hada mashaariicda ugu badan ee ay wadaan iyo goobaha ay kawadaan
Waxay si rasmiya shirkadu ujaan qaaday sanadii 2007 iyada oo aan ku bilaabnay sollarta nooca loo istcicmaalo guryaha ,dabadeed aanu ku darnay nooca laga dhaliyo dabaysha oo aan ka hirgalinay labada Airport ee kala ah berbera iyo hargeisa oo haatan wadno sanadkan waxaan dab galin ku samaynay marka aan ku qiyaasno qiyaasta wattka 220 KW oo aan labada Airport iyo berbera city aanu ka garab samaynay dab sollarta laga dhalinayo bilawna ah 75 KW


Shirkadahani

No comments:

Post a Comment